Madaxweynihii hore C/Qaasin oo ka hadlay Mooshinka Farmaajo!!

0
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa wuxuu sheegay in wadanka uu ka jiro isbadal balaaran loona baahanyahay in dalka aanan dib loo celin.
Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay dhamaan xildhinaabada inay muujiyaan isku duubni, sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka waddanka.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan haatan diyaar u ahayn in dalka loogu celiyo wadadii bur-burka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xaalada aad ugu xun tahay iyadoo lagu soo waramayo in hurdo la,aan uu ku riday Mooshinka laga keenay waxaana laga yaaba in uu iska casilo xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo la rumeysan yahay in uu ku fashilmay.

You might also like More from author

Leave A Reply