Kullan Villa Hargeysa Hadda uga socda Guddoomiye Mursal & Xubnaha Guddiga Joogtada ah

Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi kullan uga socda Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Guddiga joogtada ee Golaha shacabka.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa isugu yeeray Guddiga joogtada ah, waxaana hadda soconaya kulan looga hadlaayo xaalad qasan ee golaha.

Kulanka ayaa hadda ka socda xarunta Villa Hargeysa, waxaana ku sugan inta badan Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka, waxaana lagu waddaa in laga saaro go’aamo ku aadan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Kulankaan ayaa yimid ka dib markii labada Ku xigeen iyo xoghayaha baarlamaanka ay sheegeen in uu buray Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Inkastoo uu jabay mooshinkii madaxweyne Farmaajo laga gudbiyay hadana wali macada go’aanka Guddoomiyaha Golaha shacabka ee guddomiye ku-xigeenada Golaha shacabka.