AKHRISO: Yuusuf Dabageed oo digniin adag u diray Ciidamada Booliska

Yuusuf Axmad Hagar ( daba geed) Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa digniin adag u diray qaar ka midah ciidamada Booliska Magaalada  Beledweyn,kuwaasi uu sheegay in xilliyada qaar ay dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wax badan ay ka ogyihiin ciidamo jidgooyooyin u dhigta gawaarida safarka ah, waxaana uu sheegayin askartaasi si weyn loola xisaabtami doono.

Saraakiisha ciidamada ayuu Gudooomiyaha Gobolka Hiiraan ugu baaqay in isbadal lagu sameeyo ciidamada ku sugan kontoroolada,  kuwaasi oo uu sheegay in qaarkood dhibaatooyin kala kulmaaan Shacabka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa hadalkan kasheegay munaasabad mushaar lagu siinayay ciidamada Booliska,  taasi oo lagu qabtay saldhiga degmada Beledweyne.