XOG: Guddoomiye Mursal oo Xabsi guri laga dhigay iyo Ciidamo la dul dhigay Hoogya uu degan yahay

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka hadlayay goob fagaaro ah oo ay isugu baxeen dadweyne taageersan Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan la xiray oo xabsi guri laga dhigay.

Xildhibaanka ma sheegin Cidda ka dhigtay xabsi guriga iyo sababaha looga dhigay,mana jiro war kasoo baxay Gudoomiye Mursal oo arintaan xaqiijinaya.

Waxaa si aad ah u kala fogaaday aragtida Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib markii la isku qabtay qodobo dastuuri ah oo sababay in la diyaaro mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay qabtay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dib markii xildhibaano ka badan 92 ay soo gudbiyeen Mooshin xilka qaadis ah.