Siyaasaddaan oo loo qorsheeyay in lagu xakameeyo dhibaatada uu mukhaadaraadka ku hayo bulshada Soomaaliyeed ayaa tubta amniga iyo caddaaladda loogu soo bandhigay si horumarin loogu sameeyo kadibna loogu gudbiyo golaha wasiirrada, ugu dambaynna looga soo saaro sharci saldhig u noqda hannaanka xakamaynta mukhaadaraadka.
Shirarka Tubaha ee toddobaadlaha ah ayaa diiradda lagu saaraa Hal-beegyada iyo qaybaha shaqo ee hor-tebinta u leh dhammaan hay’adaha iyo wasaaraha qaybta ka tubaha.