Qaar ka mid ah dadka Shacabka ah ee kunool Magaalada Muqdisho ayaa xiray Iridda soo xigta dhanka Hoteelka SYL ,taasoo laga galo Madaxtooyadda , waxaana ay dalbanayaan in uu soo baxo Madaxweyne Farmaajo si ay ugu muujiyaan taageeradooda.
Ciidamada Ammaanka ayaa ka hortagay dadka Banaanbaxa sameeyay oo isku dayay in ay galaan Gudaha Madaxtooyadda.
Dadweynaha ayaa xiray wadada laga galo Madaxtooyadda, waxaana ciidanka dowladda ay Adkeeyeen galitaanka Madaxtooyadda iyo wadooyinka agmara.
Dadkan banaanbaxaya ayaa ka careysan mooshin laga gudbiyay madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo,kaasi oo shalay gelinkii danbe ay gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.