Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo afka furtay kana hadlay mooshinka laga gudbiyay Farmaajo

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi oo markii ugu horeysay ka hadlay mooshinka laga gudbiyay amadaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay mid nasiib daro ah,islamarkaana lagu soo beegay xilli Dowladda Federaalka ku tillaabsaneyso horumaro la taaban karo.

Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in Dowladnimada Soomaaliya rafaad iyo dhibaato badan loo soo maray xilligana loo baahneyn in si sahlan loo dumiyo.

Wuxuu ugu baaqay mucaaradka Dowladda iney noqdaan kuwo wax dhisa aysan noqon kuwo dumiya Dowladnimada curdunka ah ee yagleelideeda dhibaato loo soo maray.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayuu ku tilmaamay mid wax badan oo isbedel ah dalka ku soo kordhisay islamarkaana suurta gelisay in qaar ka mid ah deymaha lagu leeyahay dalka la cafiyo,korna ay u qaaday hanaankii dhaqaale ee dalka.

Xildhibaano ku kacsan Dowladda ayaa shalay gelinkii danbe madaxweyne Farmaajo ka gudbiyay mooshin iyagoo qodobo dhowr ah ku eedeynaya inuu ka gaabiyay wax ka qabashadooda.