Dadweyne ka careysan mooshinka laga gudbiyay MD Farmaajo oo isugu soo baxay Muqdisho iyo banaanbax socda

Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho,kuwaasi oo ka careysan Mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dadka Banaanbaxa ka qeyb galaya ayaa waxaa ay ku qeylinayaan Dooni meyno Mooshinka iyo erayo kale,iyadoona qaarkood ay sheegayaan in ay aad ugu xun yihiin mooshinka ay Keeneen Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Haween iyo Caruur aadu fara badan ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoona dalbanaya in xildhibaanada ay ka laabtaan Mooshinka ay ka keeneen Madaxweyne Farmaajo.

Banaanbax ayaa waxaauu ku soo beegmayaa Xilli shalay gelinkii dambe ay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu wargeliyay iney adkeeyaan ammaanka si aysan khalaalaso la xiriira banaanbaxa u dhicin,waxaana dadka banaanbaxa dhigaya ay gacmaha ku sitaan boorar ay ku qoran hal ku dhig ay ku diidan yihiin mooshinka.