AKHRISO: Xildhibaano u socday Guddoomiye Mursal oo loo diiday iney galaab Madaxtooyada Soomaaliya

War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ah loo diiday iney galaan madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanada loo diiday iney madaxtooyada galaan ayaa ku sii socday guriga xarunta Madaxtooyada uu ka degan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,waxayna Madaxda dalka ku eedeeyeen iney xayiraad saartay Mursal.

 Guddoomiye Mursal ayaa degan guriga Martida Madaxtooyada, gaar ahaan Dhismaha loo yaqaano Villa Uganda oo uu degenaa tan iyo markii loo doortay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, hase ahaatee waxaa uu Xafiiskiisa ahaa Villa Hargeysa oo ku dhegan Madaxtooyada.

Shalay ayay aheyd markii Guddoomiye Maxamed Mursal uu qabtay mooshin xil ka qaadis ah oo laga keenay Madaxweyne Farmaajo, waxaana ka dhashay xasarad siyaasadeed iyo Guddoonka Baarlamaanka oo ku kala qeybsamay.

Waxaa muuqaneysa Xiisad siyaasadeed oo iminka ka soo cusboobaatay dalka,waxaana magaalada Muqdisho maanta ka socda banaanbax looga soo horjeedo mooshinka madaxweynaha.