XOG: Xafiiska RW Kheyre oo laga qorsheynayo in xilka laga tuuro Guddoomiye Mursal

Go’aankii shalay Guddoomiyah Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan uu ku faray iney shaqadooda sii wataan Guddiga Maaliyadda uu dhowaan kala diray Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka C/wali Ibraahim Muudeey ayaa u muuqda mid abuuray khilaaf soo gala dhex galay Madaxda ugu sareysa dalka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inuu Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre si aad ah kaga carooday go’aanka,islamarkaana xalay uu ugu yeeray Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka,isagoo si gaar ah kala hadlay arrinta soo cusboonatay.

Arrintaan ayaa laga yabaa iney xiisad siyaasadeed oo mar kale uu ku baxo mas’uul sare dalka ka abuurto,waxaana warar xan ah oo aan heleyno ay sheegayaan inuusan wanaagsaneyn xiriirka Guddoomiye Mursal Labadiisa ku-xigeen.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la rumeysan iney galaan gal weyn ku leedahay Golaha shacabka ayaa laga cabsi qabaa iney si xeeladeysan u tuurto Guddoomiyaha Golaha shacabka,maadaama rabitaankooda uu ka soo horjeestay.

Lama oga halka ay saldhigan doonto siyaasadan cakiran.