Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan Qarax khasaaro geystay kaasi oo ka dhacay meel ku dhow deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo marayay deegaankaasi.
Warar aanay heleyno ayaa sheegaya in Askarta geeriyootay meydkooda loo soo qaaday magaalada Muqdisho, iyada oo dadka dhaawacmay la dhigay isbitaal ku yaalla Deegaanka Garasbaaley.
Shabaab ayaa kordhiyay qaraxyada ay ku aasaan wadooyinka hareerahooda oo ay ku beegsadaan ciidamada iyo shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya.