Villa Soomaaliya oo xalay laga seexan & Wararkii ugu danbeeyay Khilaafka Madaxda dalka

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu meel sare gaaray Khilaafka udhaxeeya Madaxda Dawlada Soomaaliya taas oo looga arinsanayey Arinta gudigii Maaliyada Ee la kala diray Bishii hore dhamaadkeeda uu shalay Gudoomiye Mursal sharci daro ku sheegay kala diristoodii.

Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa diiday dalab ugu yimid Madaxda Dalka ugu sareysa.

Gudoomiye Mursal ayaa waxa xalay kulan ay wada qaateen,Kuxigeenadiisa 1aad iyo 2aad Ee Golaha Shacabka,balse is fahmi waa uu kusoo dhamaaday.

Kulamadaasi kadib waxa iyana R/wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ay Gudoonka Golaha Shacabka la kulmeen balse waxba kama soo naaso cadaan.

Isla Xalay waxaa kulan yeeshay Seddexda Guddoomiye,R.wasaaraha iyo Madaxweyne Farmaajo hase ahaatee saq dhexe kulamada oo gaaray ay noqotay mid lagu kala tegay iyadoo wax isku soo dhawaansho laga gaarin.

Gudoomiye Mursal ayaa ku dhego adeegay in wax sharciga baal marsan uusan ku taageerin Madaxda Dawlada Soomaaliya sidaa awgeedna uu ku adkeysanayo in gudiga Maaliyada ay shaqadooda sii wadan karaan.