SAWIRRO: Xeerka Bulshada oo lagu soo bandhigay laguna ayiday magaalada Jowhar

Munaasabad lagu soo bandhigayay laguna ayidayay xeerka Bulshada Jowhar ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Madasha ayaa waxaa ka soo qeybgalay  mas’uuliyiin ka socotay maamulka degmada Jowhar, Maxkamada, ciidamada Booliska,culumaa’udiin,duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa loogaga hadlay Xeerka Bulshada Jowhar.

Ugu horeyntii waxaa madasha ka hadlay Mahad Salaad Jaamac oo ah wakiilka hay’ada Danish Demining Group “DBG”.

“Dib u habeyn ayaa  lagu sameeyay waxaa la waafijiyay shareecada Islaamka waxaana ka qeybgalay culumaa’udiinka iyo duubabka dhaqanka.”ayuu yiri Mahad Salaad Jaamac oo

Sidoo kale waxaa munaasabadan ka hadlay qaar ka mid ah culumaa’udiinka magaalada Jowhar iyo duubabka dhaqanka.

Axmed Colow Beerey oo ah guddoomiyaha Duubab Plus ayaa sheegay in xeerka bulshada uu yahay mid waafaqasan shareecada Islaamka isla markaana loo baahan yahay in bulshada degmada ay ku dhaqanto.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar oo munaasabadan ka hadlay ayaa soo dhoweeyay xeerka bulshada waxana uu sheegay maamulka degmada uu marwalba soo dhoweynayo wixii wanaagsan oo ay bulshadu ku heshiiso.

Ugu dambeyntii waxaa madasha ka hadlay kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ahna guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasada Maxamed Cabdi Sheekh waxana uu  ugu baaqay bulshada degmada Jowhar inay dhaqan geliyaan Xeerka Bulshada degmada Jowhar.

Xeerkan ayaa  ah mid aymaalgelisay hay’ada DFID isla markaana ay hirgelisay Danish Demining Group “DBG”waxana uu ka hadlayaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin dilka,dhaca,kufsiga iyoqoddobo kale.

Vlcsnap 2018 12 08 21h54m45s607

Vlcsnap 2018 12 08 21h55m28s810

Vlcsnap 2018 12 08 21h55m46s406

Vlcsnap 2018 12 08 22h19m54s488

Vlcsnap 2018 12 08 22h20m34s870

Vlcsnap 2018 12 08 22h22m30s465

Vlcsnap 2018 12 08 22h22m59s454

Vlcsnap 2018 12 08 22h24m04s476