DHAGEYSO: Maxay tahay sababta ku kaliftay in Taliska Ciidanka Xoogga Xiriirka u jaraan Ciidanka Kenya?

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay xiriirkii Wadashaqyneed ay u jareyn Ciidamadda Kenya ee qeybta ah howgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Korneel aadan Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay In Taliska uu xiriirkii wada shaqeyneeda u jaray Ciidamada Kenya.

Waxa uu sheegay in Ciidamadda Kenya ay duqeyn ku hayaan shacabka ku nool Degmooyinka Gobolka,islamarkaana taasi aysan u dulqaadan doonin,sida uu sheegay.

Dhanka kale waxa uu ugu baaqay Ciidamadda Kenya in ay joojiyaan duqeymaha shacabka ay la beegsadaaan,islamarkaan ay usoo jeesteen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.