DHAGEYSO: Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo war lagu farxo kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in guullo weyn uu kasoo hoyiyey sababta uu u tagay Kismaayo.

Waxa uu sheeegay in isaga iyo wafdigiisa ay xaliyeen tabashooyinka Jubbaland ay u qabeyn  dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxa uuna intaas ku daray in kaliya ay u harsantahay in ay si fool ka fool ah isku soo hor fadhiisiyaan.

Gudoomiye Cabdi Xaashi  ayaa ku nuux nuuxsaday in jubbaland ay diyaar u tahay Soomaalinimo in wax waliba lagu xaliyo sidaasi darteedana ay kaga aqbaleyn waan waanta ay wadeyn ee lagu xalinaayey khilaafka soo jiitamay ee kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maamulka jubbaland ayaa horaan kaga hor imnaaday hadal kasoo yeeray guddiga xalinta khilaafka dowladda dhexe iyo dolwad goboleedyada dalka ka jira, ilaa iyo haatana Jubbaland si toos ah kagama aysan jawaabin hadalka kasoo yeeray iminka gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya.