DEG DEG: Xildhibaano mooshin ka wada Madaxweyne Farmaajo oo shir la leh Guddoomiyaha Golaha shacabka

Xildhibaano badan oo mooshin ka wada Madaxweyne Farmaajo ay iminka kulan la leeyihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Ilo ku dhow dhow Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu ka aqbali doono Xildhibaanada Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha.

Guuxa mooshinkan iyo wararkiisa ayaa maalmihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen, waxaana wax ka waday Xildhibaanada mucaaradka ah.

Waxaan si dhab ah loo ogeyn tirade saxda ah ee Xildhibaanada mooshinka ka wada madaxweyne Farmaajo, waxaana Mooshin ka keeni kara Madaxweynaha 92 Xildhibaan oo ah saddex meel meel tirada guud ee Xildhibaanada Golaha Shacabka

Waxaa muuqaneysaa inuu cirka isku sii shareerayo khilaafka Madaxtooyada kala dhaxeeyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo ka carooday tallaabooyin ay qaadeen guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka oo madaxtooyada laga soo riixayay.