Ciidamada Xoogga dalka oo lagu amray in aragti lagu toogto Al-Shabaab oo Xabsi aan la geynin

Shir jaraa’id oo maanta ay si wada jir ah u qabteen inta badan Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah A-shabaab.

Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo ah Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Milatariga Soomaaliya uusan dulqaad dambe u heyn in qof ka tirsan AL-shabab in ay qabtaan oo ay xabsi u gudbiyaan.

Indhaqarshe  ayaa sheegay in hadda kaddib xubnaha ka tirsan AL-shabaab ee la qabto la toogan doono,maaddaama iyaguba ay dilaan Ciidamada iyo saraakiisha dowladda,sidaas darteedna ay iyaguna daaweyn doonin dhaawacyada AL-shabaab.

Dhanka kale Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe)  ayaa isaguna xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ka dhacay shirka jaraa’id ka sheegay in Askarigii isaga oo wata dhowrka Ciidanka ee ku dhinta dagaalka AL-shabaab ay nolosha qoyskiisa damaanad qaadeyso dowladda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyada oo khamiistii la soo dhaafay Taliyayaashii Guutada 12ka April lagu dilay qarax ka dhacay degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Daahir Aadan Cilmi; Taliyaha Milatariga ayaa goobtii lagu aasayay saraakiishaas ka sheegay in ay ka aargoosan doonaan AL-shabaab.