Al-Shabaab oo war ka soo saaray dilka Ganacsade Cabdi Cusmaan Afrax

Xarakadda Al-shabaab ayaa war kasoo saartay Dil maanta Magaaladda Muqdisho loogu geystay Cabdi Cusmaan Afrax oo kamid ahaa Ganacsatadda Magaaladda.

Warbaahinta shabaab ayaa lagu baahiyay in Cabdi uu kamid ahaa Waaxda Canshuuraha dowladda Federaalka Soomaliya, islamarkaan rag hubeysnaa ay rasaaseeyeen xili uu ku sugnaa afafka hore ee gurigiisa Agagaarka ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho.

Sidoo kale shabaab waxa ay sheegeen in ragga hubeysnaa ay sii kaxeysteen gaari uu lahaa Sarkaalka.

Marka laga soo tago sheegashadda Shabaab, qaar kamid ah Eheladiisa ayaa sheegay in Cabdi Cusmaan Afrax uu kamid ahaa Ganacsatadda Gaadiidka Soo dajisay Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale rasaastii lagu furay waxaa ku dhaawacantay Gabar yar uu dhalay.