AKHRISO: Guddoomiyaha Golaha shacabka oo aqbalay mooshin laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa qabtay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo shir albaabada u xirnaa kula qaatay Guddoomiye Mursal xarunta Villa Hargeysa ayaa u gudbiyay Mooshinka Madaxweynaha.

Mooshinka ah mid xil ka qaadis ah ayaa la saaray shaabadda Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka ee galka Xafiiska, taasoo ka dhigeysa in sharci ahaan Mooshinka inuu maray habraaciisa.

Illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee Mooshinka ka geysay Madaxweynaha, hase ahaate Madaxweynaha ayaa waxaa mooshin ka keeni kara 92 Xildhibaan oo ah saddex meel hal meel.

 Halkaan Hoose ka akhriso Mooshinka la gudbiyay:-

Jjjjj
Jjjjj