Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa aqbalay mooshin xildhibaanada qaar ay ka gudbiyeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo.
Mooshinkan ayaa saxiixay tiradii loogaga baahnaa waxaana uu u gudbay Guddoonka Baarlamaanka isagoo uu saxiixay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Gudbinta mooshinkan ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli marxalad adag oo dhinaca siyaasadda ah ay ka jirto dalka uuna jiro khilaaf ka dhexeeya Madaxda dowlada federalka iyo Inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Halkan hoose ka aqriso Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne farmaajo.
