XOG: Howlgal qorsheysan oo Ciidamada NISA ku qabteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA), ayaa howgal qorshaysnaa waxa ay ka fuliyeen deegaanka Sabiid Caanoole, ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay Taliska Nabadd Sugidda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu sidii loogu talagalay u dhacay,islamarkaana lagu soo qabtay xubno ka Tirsan Al-shabaab.

“Howlgal qorsheysan oo ciidanka amnigu ka fuliyay Xafiiska Xizbada Alshabab ee Sabiid Caanoole, ayaa lagu soo qabtay labo xubnood oo Alshabaab ah, walxaha qarxa iyo saanad,muhiimadda koobaad ee ciidanka Amniga waa kahortaga Al-shabaab iyo badbaadinta shacabka”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.