XOG: Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay & Qaraxyo laga cabsi qabo in la soo geliyo Muqdisho

Ammaanka magaalada Muqdisho  ayaa si aad ah loo adkeeyay,waxaana ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka iyo isgosyada ugu muhiimsan ee magaalada.

Illo ku dhow laamaha ammaanka Gobolka Banaadir ayaa inoo sheegay iney shaki laga qabo iney gaadiid Qaraxyo soo geliyaan caasimadda  Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamada ku sugan baraha Kontarol ee laga soo galo magaalada ayaa lagu wargeliyay iney adkeeyaan baaritaanka gaadiidka soo galaya magaalada,islamarkaana feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Xarakada Al-Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro toos ah ka fuliya xarumaha muhiimka ah ee Dowladda Soomaaliya.