Suurta gal ma tahay in Cabdi Xaashi ku guuleysto xalinta Khilaafka Jubbaland & Dowladda Dhexe?

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa magaalada Kismaayo ujooga sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ragaadiyay Maamulka Gobolleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Cabdi Xaashi ayaa si gaar ah diirada u saaraya khilaafka u dhaxeeya Maamulka Jubbaland Dowladda dhexe kuna dadaalaya siduu ku soo afjari lahaa.

Xubnaha labada Gole ee Jubbaland iyo Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulkaas ayay wafdi la kulmeen,iyaga oo kala hadlayay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dhowr shir oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafkaas lagu guuldareystay,hayeeshee uu rajeynayo in haatan laga gudbi doono.

Waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan dadaalada xal raadinta ah oo ay wadaan Golaha Aqalka Sare,isla markaana ay aqbaleen,si xal buuxa loo gaaro.