SAWIRRO: Wasiirka waxbarashada XFS oo la kulmay xubno ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madax ka socota jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan.

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarinta waxbarashada dalka, waxana wafdigan hogaamineyay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Afrika Dr. Muuse.

“Maanta waxaan xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan, wafdigan waxaa hogaaminayay  gudoomiye ku xigeeynka jaamacadda Dr Muuse, arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah  xoojinta xiriirka naga dhexeeya iyo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Xubnahan ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan  ayaa sheegay in ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Suudaan, ay ka go’an tahay waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in wafdiga ka socda dalka Suudaan ay u ballan qaadeen inay sii wadi doonaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan ardeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay  horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiiinta.

Kulanka Wasiirka Waxbarashada Xfs Iyo Wafdiga Jaamacadda76be8f71 F028 4d17 9733 1593c7ae2d7f

Kulanka Wasiirka Waxbarashada Xfs Iyo Wafdiga Jaamacadda723fcf0e Aee5 4270 B6b9 9021b2b74cfa

Kulanka Wasiirka Waxbarashada Xfs Iyo Wafdiga Jaamacadda91323714 Ae96 409c 9677 103a25fe9642

Kulanka Wasiirka Waxbarashada Xfs Iyo Wafdiga Jaamacaddac1044a7b A59f 40f4 94a0 Bb54d7f9d3bb

Kulanka Wasiirka Waxbarashada Xfs Iyo Wafdiga Jaamacaddad68ee5dc E52f 4572 A920 E046be372b86

Kulanka Wasiirka Waxbarashada Xfs Iyo Wafdiga Jaamacaddade9eca98 E82d 4baa Aab5 7802b108b5dc