DHAGEYSO: Yuusuf Dabageed oo Ciidamo gaar ah oo ka madax banaan Hirshabeelle Sameystay + SABABTA

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle  Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), ayaa lagu eedeeyay in uu sameystay Ciidamo gaar ah, kana madax Banaan Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamadda Maamulka.

C/raxiin Maxamed  Taakow Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khilaaf xoogan uu haatan u dhaxeeyo isaga iyo Gudoomiyaha.

Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha uu maamulka is leheysiiyay, islamarkaana uu sameystay Ciidamo gaar ah kana madax Banaan Malatariga Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Maamulka Hir-shabeelle.

Dhanka kale waxa uu sheegay Gudoomiye ku-xigeenka in uu socdo dadaal ku aadan in la xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay isaga iyo gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.