DEG DEG+AKHRISO: Guddoomiye Mursal oo amray in Guddiga Maaliyadda shaqadoodii sii wataan

Guddoomiya Golaha Shacabka BFS mudane Maxamed Mursal sheekh C/raxmaam ayaa faray Guddiga Maaliyada, Miisaaniyada, Qorsheynta Iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowlada in ay Shaqadooda sii Wataan,islamarkaana in guddiga si dhaqsi leh u soo dhameystiraan Xisaab xirka 2017 iyo Miisaaniyadda 2019 kohor inta uu san dhamaan sanadka 2018.

Warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu farayo Guddiga Maaliyada in ay sii wataan howshii loo igmaday ayna qalad aheyd kala diristooda sifada loo maray.

Guddiga Maaliyada ayaa horaan waxaa in uu kala diray sheegay gudomoomiye ku xigeenka golaha Shacabka, iyadoo wixii intaas ka dambeeyay uu soo shaac baxay khilaaf ka dhashay kala diristaasi iyo sharci ahaanshaheeda.

Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay  gudoomiyaha Golaha Shacabka.

11

22