AKHRISO: Musharaxiinta Madaxweynaha K/Galbeed Soomaaliya oo ku dhegan Ku simaha madaxweynaha

Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saaray ayaa walaac ka muujiyay xaalado soo kordhay.

Musharaxiintan oo kala ah Mukhtaar Roobow, Aadan Saransoor iyo Ibraahim Macalin Nuur ayaa sheegay in Kusimaha Madaxweynaha C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye uusan sharci ku fadhin kursiga, sidaas darteed wixii ka dambeeya 8-da bisha December aanu sii heyn karin xilka Kusimaha.

Sidoo kale waxaa ay sheegay in Koofur Galbeed ay wajahayo khal khal dastuur ah, isla markaana aanu Kusimaha Madaxweynaha sharci ku joogin Xafiiska, iyagoo ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu diyaariyo Qaraar baarlamaani ah uu horgeeyo, inta laga dooranayo Madaxweyne la sameeyo Gole KMG ah oo loo dhan yahay.

Halkaan Hoose ka Akhriso War Saxaafadeedka:-

Xus27 741x1024
Xus27 741×1024