XOG: Mukhtaar Roobow oo fariimo digniin ah ka soo gaareyso iyo cadaadis xooggan oo lagu hayo

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis ku saareysa Wadaadka Al-Shabaab ka soo goostay ee Mukhtaar Roobow inuu ka haro doorashada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo 19-ka bishan ka dhaceysa magaalada Baydhabo.

Mas’uuliyiin ku dhow Mukhtaar Roobow ayaa Shabakadda Shaaciye.com u sheegay in Wadaadka ay si isdaba joog ah ay u soo gaarayaan digniino kaga imaanaya xafiisyada ugu sareeya Dowladda gaar ahaan Hay’adda NISA oo ku aadan inuu doorashada ka haro si uusan tartan adag ula galin musharaxa ay taageereyso Dowladda ee Laftagareen.

Mukhtaar Roobow ayaa taageero xooggan ka heysto badi shacabka Koonfur Galbeed iyo Beesha uu ka soo jeedo oo ku dhiira gelineysa inuu tartamo nasiibkiisana uu tijaabiyo.

Muktaar Roobow iyo C/casiis Lafta gareen ayaa hadda ugu cad cad doorashada,waxayna olole siyaasadeed oo xooggan ka wadaan magaalada Baydhabo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay iney taageereyso musharax gaar ah,islamarkaana faragelin ku heysa doorashada.

You might also like More from author

Leave A Reply