Muqdisho oo Towbad keenid Aqbashay!

Muqdisho

0

*MUQDISHO OO TOWBAD KEEN !!!*

Ugu dambeyn wada hadallo ay Ethiopia garwadeen ka ahayd, Mareykankuna kor kala socday ayey Dowladda Muqdisho oggolaatay inay u towbad keento bahda Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay dalbadeen arrimo dhowr ah in la fuliyana waqti yar unbaa ka harsan:

*1-* Raaligelin in laga siiyo lacagtii 8-dii April looga qabtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Taasi Dowladda Muqdisho way aqbashay.

*2-* In lacagtaasi oo *9.5* milyan doolar ahayd loo celiyo Dowladda Imaaraadka. Inkastoo Dowladda Soomaaliya aqbashay arrintan, haddana waxaa la isku mari waayey kaddib markii UAE iyo Sacuudiga ay dalbadeen in saxaafadda horteeda raali-gelinta iyo lacag celintaba loogu sameeyo. UAE waxay diiday in lacagta si hoose loo siiyo oo qolada Muqdisho loo ceeb qariyo!!

*3-* Isbeddel Siyaasadda arrimaha Khaliijka oo micneheedu yahay in qolada Muqdisho ka tawbad keenaan go’aankii dhex-dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaateen Khilaafka bahda Sacuudiga iyo Imaaraadka ku go’doomiyeen Qadar.

Booqashadii u dambeysay ee Madaxweyne Farmaajo ku tagay Talyaaniga oo ay isku arkeen Amiirka Qadar waxaa loo muujiyey walaaca Qadar ee ku aaddan dhaq-dhaqaaqa Dowladda Soomaaliya ay la waddo bahda Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Waxaa halkan calaamo su’aal saaran tahay xiriirka Turkey iyo Soomaaliya.

Beryahanba waxaa laga fekerayey sidii go’aanka cusub loogu dhawaaqi lahaa iyo cidda ku dhawaaqi doonta.

*W.Q: Abdalle Ahmed Mumin*

You might also like More from author

Leave A Reply