Dowladda Soomaaliya oo ciriiri gelisay Shacabka Muqdisho iyo waddooyinka muhiimka oo xirid lagu bilaabay

0

Waxaa Maanta gebi ahaanba la xiray Wadada hormarta xarunta Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo ku taalla  degmada Shibis.

Wadada ayaa waxaa lagu xiray Ganjeel weeyn,iyada oo laga xiray inta u dhaxeysa KM-0 illaa Hotelka Global,waxana horay bar-koontorool halkaasi ugu lahaa Ciidamo ka tirsan NISA.

Wadadaas la xiray oo ah mid hormarta Xarunta NISA ee loo yaqaano Habar Khadiijo ayaa markii hore waxaa isticmaali jiray kaliya Gawaarida ay wataan Madaxda Dowladda halka dadka qaarkood ay lugeyn jireen balse intaba la joojiyay.

Dadka ku nool Xaafadaha degmada Shibis oo qaab lug ah horay Wadadaas ugu mari jiray ayaa haatan waxa ay ka soo wareegayaan dhanka Garoonka Koonis  Stadium maadaama wadada bartamaha laga gooyay.

Lama oga waxa xilligaan keenay in Wadada hormarta Xarunta Hay’adda NISA la xiray,waxaana maalma kahor dhagxaan Waaweyn lagu jaray Wadada bartamaha Isgoyska Soobe kadib mashquul badan oo Wadadaasi ka jiray.

You might also like More from author

Leave A Reply