AKHRISO; Maxay tahay sababta dalxiiska Kenya hoos ugu dhacayo Xagaagan?

0

Inta badan Hoteelada iyo Goobaha loo dalxiiska tago ee dhaca dhulka Xeebta iyo Gobolka Soomaalida ee Kenya ayaan heysan rukun ama macaamiil xilliga fasaxa ee ciidda Kirismiska.

Inta badan dadkii iska diiwaangeliyay Hoteellada iyo goobaha loo dalxiiska tago ee Kenya ayaa ka laabtay arrintaas kaddib afduubkii 20kii bishii la soo dhaafay loo geystay Gabar Talyaaniga u dhalatay.

Odayaasha iyo Culimada Gobolka Kalifi ee dalka Kenya ayaa ka codsaday Dowladda Kenya in ay bulshada degaanka la socodsiiso halka uu marayo wadahadalka lagula jiro kooxd afduubka geysatay.

Mas’uuliyiinta Xarumaha Dalxiiska ee Lamu,Kalifi iyo meelo kale ayaa sheegay in ay ka walwalsanyihiin in saxafa ciidda Kirismiska aysan heli doonin dakhligii ay xilligan oo kale ku tashanjireen maaddaama amaanka dartiis ay dalxiisayaasha u baqayaan.

Dowladda Kenya ayaa Saddex Nin oo Soomaali ah ku eedeysay Gabadha Talyaaniga u dhalatay taas oo ay dowladda Talyaaniga sheegtay in ay bad qabto islamarkaana kooxda afduubka ku heysta Gabadha iyo dowladda Talyaaniga uu wadahadal u socdo.

You might also like More from author

Leave A Reply