XOG: Shirar gaar gaar ah oo socda & Guddoomiye Mursal oo Go’aan ka gaaray kala dirista Guddiga Maaliyadda

0

Ilo ku dhow guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa inoo xaqiijiyey in shalay  Talaado ay kulan gaar ah lahaayeen guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka, kuwaas iyagana aan horay u shiray ku dhowwaad muddo bil ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa ka codsaday guddiyada joogtada ah ee golaha iney isaga u daayaan xal ka gaarista arrintii kala dirista guddiga maaliyadda, horayna loo wadao ajendayaasha kulamada golaha, arrintaas oo la isla gartay.

Iyada oo heshiiskaas laga ambaqaadayo, waxaa maanta dib u qabsoomaya kulamada golaha shacabka, kadib markii ay horay kulamada u baaqdeen ilaa 3 jeer sababo la xiriiray khilaafka kala dirista guddiga maaliyadda.

Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka waxaa lagu sheegay akhtinta 3aad ee hindise sharciyeedka Mashruuca Liiltirka.

You might also like More from author

Leave A Reply