Faah faahino ka soo baxaya 3-diyaaraadood oo duqeymo la helay fariisin lagu tuhmay Al-Shabaab

0

Warar dheeraad ah  ayaa laga helayaa Diyaarado Seddex gaarayay oo xalay duqeeyay Degmadda Awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.Diyaaradaha ayaa duqeeyay halka la yiraahdo xarunta Maaliyadda oo lacagaha ay ku qaadaan  Xarakadda Al-shabaab, taasi o ku taala Degmadda Awdhiigle.

Qof kamid ah dadka degmadda ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradaha oo seddex ka koobnaa 12:00-03:00 saqdii dhexe ay duqeynta wadeen,islamarkaana khasaare uu jiro.

Sidoo kale waxa uu sheegay in saakay goobaha la duqeeyay lagu arkay dhiig fara badan,islmarkaana dadka ay guryahooda salaadda ku Tukadeen cabsi awgeed.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur galbeed Soomaaliya oo loogu hadlaayo duqeynta xalay ka dhacday Degmadda  Awdhiigle oo shabaab ay gacanta ku hayaan.

You might also like More from author

Leave A Reply