Ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe oo xanibay dhaq dhaqaaqa Xildhibaano ku sugan Kismaayo iskuna gadaamay

0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay hareereeyeen goob ay ku sugnaayeen Xildhibaano ka tirsan  maamulkaasi oo ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamadan oo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe  ayaa la sheegay in ay xanibeen guud ahaan dhaq dhaqaaqii Xildhibaanadaasi.

Lama oga tiro ahaan inta ay la’egyihiin Xildhibaanadaasi ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ee lagu go’doomiyay halkaasi.

Balse Xubnahani  ayaa ka mid ah Mudanayaal ka horyimid guddi qaabilsan arrimaha doorashada oo uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply