AKHRISO: Xildhibaanada Golaha shacabka oo xeer muhiim ah ansixiyay

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa guddoomiyeyay kullan golaha shacabka maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kullanka maanta ee Golaha shacabka ayaa looga dooday hadlay xeerka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda ka dib Xildhibaanada ay ansixiyeen.

Kullanka oo ay soo xaadireen 170 Mudane ayaa furitaanka kullanka ka dib guddomiye Mursal Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye inuu akhriyo sharciga xaqsiinta Siyaasiyiinta Dowladda, si loo meel mariyo.

Intaasi kadib 167  Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay 1 Xildhibaan ayaa diiday,halka  2 Xildhibaan ay ka aamuseen,waxaana Guddoomiyaha golaha Shacabka uu ka dhawaajiyay in Sharcigaas uu ansax yahay.

You might also like More from author

Leave A Reply