DEG DEG: Dagaal Xooggan oo goordhow ka bilowday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

0

Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan goordhow waxaa ka bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka Xooggiisa ayaa wuxuu ka socda inta u dhaxeysa Magalada Baladweyne iyo degmada Maxaas,waxayna dhinacyada dagaalamaya isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo ka baxay Baladweyne ay wadada u galeen Al-Shabaab,waxaana lagu soo waramayaa in u socdo dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Khasaaro labada dhinac ah ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhashay dagaalkaas,wallow aan weli sirasmi ah aan loo xaqiijin Karin.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen inaysan xilligaan wax faah faahin  ah ka bixin Karin dagaalkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply