Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Difaacyada Ciidamada ay ku leeyihiin Deegaano Al-Shabaab laga saaray+(SAWIRRO)

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa kormeeray degaanka Dhannaane ee Gobolka Shabellada hoose.

Degaanka Dhannaane ayaa ka mid ah degaano dhawaan nabad diidka Al-shabaab laga xureeyay

General Daahir Aadan Cilmi ayaa mid mid u kormeeray Difaacyada Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuuna Halkaasi ku dhiira geliyay Ciidamada Howlgalada ka wada degaanka Dhannaane.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kula hadlay jiida hore ee dagaalka degaanka dhannaane, isagoona sheegay inb dhawaan Al-shabaab laga saari doono dalka

General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa bogaadiyay sida geesinimada ah ay Ciidamada Xoogga Dalka ay u fuliyeen Howlgalka degaanka Gandarshe lagu xureeyay, isagoona tilmaamay in nabad diidka Howlgalkaasi lagu gaarsiiyay qasaaro xooggan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Indha-qarshe waxa uu ka hadlay dhibaatada nabadiidka Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ugu Baaqay in ay la shaqeyaan Ciidamada Xoogga Dalka.

Fb Img 1543153389556

Fb Img 1543153392276

Fb Img 1543153395468

Fb Img 1543153406069

Fb Img 1543153411680

Fb Img 1543153414883

Fb Img 1543153417494

Fb Img 1543153422478

You might also like More from author

Leave A Reply