FIIRSO: 8-Musharax oo u tanaasulay Mukhtaar Roobow & rajada Guushiisa oo…

0

War goordhow naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in 8-ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee la magac baxay “Isbede doonka” ayaa ku dhawaaqay iney u tanaasuleen Musharax Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Musharaxiinta ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow u arkeen inuu yahay  shaqsiga keliya ee badbaadin kara waxna u qaban kara shacabka Koonfur Galbeed,waxayna ugu tanaasuleen inuu noqdo musharaxa koowaad Ee isbedel doonka.

War ka soo baxay Siddeeda Musharaxa ayaa sidan u qornaa:-

“8- kamid ah Golaha Musharaxiinta isbedel doonka ayaa u tanaasulay Musharax Muqtaar Robow inuu noqdo musharaxa koowaad Ee isbedel doonka iyagoo saxafad u sheegay musharaxiintaasi inay u Arkeen Muqtaar inuu yahay qofka kaliya ee badbaadinkaro waxna u qabankara shaacabka Konfur Galbeed Soomaaliya,”

Hal ku dhiga Hoggaamiyihii iyo Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab Abuu Mansuur ayaa ah “ Amni iyo Caddaalad,” waxaana meelo badan oo dalka iyo dibadiisa ah ka dhacay banaanbax lagu taageerayo Musharaxa,waxayna badi shacabka Koonfur galbeed dalbadeen in la doorto si uu u badbaadiyo.

Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya Dowladda Federaalka,Maadama Xukuumadda Muqdisho ay gadaal ka riixeyso Musharax C/casiis Lafta-gareen oo ay dooneyso iney dhaqaalo badan ku bixiso si uu ugu soo baxo doorashada 5-bisha soo socota ka dhaceysa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed.

You might also like More from author

Leave A Reply