Wasiirka wasaarada Maaliyada XFS oo warbixinta gudiga maaliyada ku tilmaamay dhabar jab

0

Wasiirka wasaarada Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in warbixinta gudiga maaliyada ee Golaha Shacabka ay dhawaan soo saareyn ay tahay warbixin dib u dhac dalka ku keyneysa sida uu sheegay.

Waxa uuna ku dhaliilay in warbixintooda ay warbaahinta ay la wadaageyn iyagoo ka tallo gelin ama wax ka weydiin  masuuliyiinta wasaarada ay quseyso ee Maaliyada.

Wasiir Beyle ayaa yiri “Waxaan ka jawaabayaa eedeymaha faraha badan ee la ii soo jeediyay Dadka qaar ayaa qaba in 2 lagu daray 2 ay tahay 3, waana qalad. Waxaa la soo gudbiyay warqad dhaleeceyn ah, oo dhabarka ka jabinaysa dadka Soomaaliyeed. Waxaa dadaal weyn loo soo galay in aan bixino mushaarka ciidanka, waxaana dadaal weyn loo galay in aan ka gudubno lacagaha faraha badan ee ah deymaha na dhabar jabiyay. Waxaan ku shaqaynaa nidaam caalami ah, Guddigu waxay ahayd in ay anaga nala tashadaan intii ay warqad u qori lahaayeen war-baahinta, anagaa ku jirna ceelka guntiise ee. Arintaan waxa ay nagu noqotay dhabar jab iyo in dib noola celiyo”.

Warbixinta gudiga Maaliya ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ka dhalatay dood adag oo ay ku kala aragti duanyihiin xildhibaanada Golaha waxa ayna xukuumada ku tahay dhabar jab weyn.

You might also like More from author

Leave A Reply