Maxaa ay yihiin Siraha Ka Qarsoon ee Ku Jira Kulanka Gonder?

0
Kulanka Goondhar ee Abiye abaabulay Asiyaasna fikirkiisa leeyahay Farmaajo lagu buuxsaday waxuu daaran yahay ka hoos guurida Shacabka iyo Xukuumada Jabuti.
Ujeedooyinka ugu waa weyn ee laga leeyahay kulankan iyo kuwo kale oo soo socdaa waa go’doominta jabuti dhan dhaqaale iyo dhan siyaasadeed-ba.
Madaxweyne Farmaajo sida muuqata waxba kama xeerin dhiiga Somalinimo,cabasho walba oo ka timid xukuumada jabuti uma hakan.taa badalkeeda wuu kusii dhiiraday daba orodka labada laba wajiile ee xiligan jaanta isla helay Asiyas iyo Abiye.
Farmaajo waa warmooge lataliyayaal guracana ka tala qaatay,haba yaratee qorshaha socda saamayn kuma laha,markii siyaasiyiin miisaan ku leh dalka ay wax ka waydiiyeena waxuu u carabaabay danta kaliya ee uu ka dhex arko qorshahan in ay tahay cunaqabataynta oo laga qaado Somaliya,taas oo aan u dhigmin danaha kale ee uu ku luminayo.
Abiye waxuu ciyaaraya kubad siyaasadeed oo salkeedu yahay danta Oromiyaa,isagoo la goos goosanaya Tigreega iyo Amxaarada soo jireenka ah.
Abiye waxuu dhan rabaa in uu muujiyo Oromo in ay wax hogaamin karto oo waliba itoobiya ka wanaagsan tii Tigreega iyo Amxaaradu sanado badan soo maamuliyeen ay dhisi karaan,sidoo kale waxuu salka ufariisinayaa Dowladnimo itoobiya oo Oromo hogaamiso sinana aan gacanteeda looga saarin.
Asiyas waxuu arkaa in uu guulaystay oo Xabsigii korka ka banaanaa ee uu ku jiray laga soo furay,isla markaana uu si xawli ah ku gaaray dano badan oo uusan filayn in uu gaari karo waayahan,waxuu ujeedaa Jabuti oo ay isku hayaan dhul in uu gaashaanbuur uhelay danaynaysa in jabuti la go’doomiyo dhan walba.
Dowlada Imaaraadka oo ah cida ugu danbaysa ee loo adeegayo maalgalisayna qorshaha socda,ayaa ujeedka ay ka leedahay maalgalinta waxay tahay dhawr arimood oo laga xusi karo:-
B.In ay ka aarsato Dowlada jabuti oo gacanteeda ka saartay Deked muhiim ah,isla markaana ugacan gashay Dowlada Shiinaha oo wada Dhismaha Deked weyn oo quudin doonta suuqyada Dunida Sadexaad intooda badan,taasoo ay ka wadaan dhismaheeda dalka Pakistan,sidoo kale isla jabuti ka dhistay mid kamid ah Dekedaha unoqon doona Dekedaas dhuumaha ay sii mari doonaan badeecadaha laga soo dhoofin doono,Dekedaaas oo Imaaradku u arko dhimashada Dekeadihiisa.
T.Xoojinta iyo dardargalinta tartanka Dekedeed ee socda,isagoona fure ka dhigtay Dowlada Itoobiya oo ah awooda geeska ee maanta.
Isku soo wada duuboo Geeska waxaa ka socda loolan xoog leh oo loosoo waariday,isagoo awalba uu ka jiray loolan maxali ah.
Jibril Qoobey.
Shabakadda Shaaciye
Xafiiska Muqdisho

Qormooyinka Fikraha iyo Talooyinka ku soo dir warkashaaciye@gmail.com

45660966 2137197086359201 8086742545792499712 N
45660966 2137197086359201 8086742545792499712 N

You might also like More from author

Leave A Reply