Musharixiinta iyo Xildhibaanada KG oo kulan uga socda Baydhabo!

0
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in kulamo aan loo kala kicin ay musharixiinta iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ay ka wadaan Magaaladaasi.
Kulamada ayaa inta badan waxaa looga hadlayaa sidii dib looga dhigi lahaa doorashada iyo in la qabto doorashada Madaxtinimada Maamulka Koofur Galbeed.
Musharixiinta qaar ayaa ku doodaya in la dhameystiro xubnaha Gudiga Doorashada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maanta la magacaabo xubnaha ka banaan gudiga doorashada.
Xaalka magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad u degan.
Shabakadda Shaaciye
Xafiiska Muqdisho
warkashaaciye@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply