Golaha iskaashiga D/Gobaleedyada Oo la filayo in ay kulmaan!

0
Warar an helnay yaa sheegaya in Qaar ka mid ah xubnaha Golaha iskaashiga Maamul gobaleedyadda ay ka arinsan doonaan xubno muhiim ah oo ay waayeen Golaha, islamarkaana ay iscasileen.
Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay war ka soo saaraan iscasilaada ay ku dhawaaqeen Madaweynihii Koofur Galbeed iyo Afhayeenkii Golaha iskaashiga Dowlad Gobaleedyada.
Sidoo kale Madaxda ayaa Go’aamin doono waxa ay ka yeelayaan masuuliyiinta ay waayeen xubnaha Golaha iskaashiga ee Dowlad Gobaleedyada ka jira dalka.
Lama oga in madaxda dowlad Gobaleedyadda ay kulmi doonaan iyo in kale, waxaase la ogeyn Go’aanka ka soo bixi doono maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug.
Shabakadda Shaaciye
Xafiiska Muqdisho
warkashaaciye@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply