BAALALROGIDDA BIDHAAMIYE W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0

Fb Img 1541596162643

BAALALROGIDDA BIDHAAMIYE W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Bidhaamiye waa dhigane ka faalloonaya kobcinta afka Hooyo. Mar haddii lagu yiri: “HOOYO” Waad garatay inay tahay halka laga soo askunmo ee billaaw u ah jiraalka. Hooyo waa barbaariyaha wax walba. Mar iyadaa barbaarisa dhasheeda, marna ubadkeeda ayaa huwaayeeya iyada oo hiil iyo hoo ba u fidiya, waa goorta ay gaboowdo e. Afkeennu inuu yahay HOOYO miyaan isku diideynaa?” maya xaashaaye. Haddaba BIDHAAMIYE waa dhigane ka faalloonaya afka hooyo, dhidibbo adag na dhulka ugu mudaya dhigaalka iyo higaadda Afkeenna HOOYO. Mar kale waa bare kuu geedqaadaya tubtii aad u mari lahayd Dhigaalka iyo Dhihitaanka afka Hooyo.

Dhiganaha BIDHAAMIYE wuxuu ka kooban yahay (177 Bog) oo xajmiga warqaddiisu tahay (A5). Garbadkiisa/Jaldigiisu na adag yahay. Halkaas cilmiga ku jira ayaa ah inaan buugga aqrintiisa iyo baalal roggiisa ba lagu dul caajisin. “Cilmi la kor dhebay”

Cutubyadiisu waa (5) Cutub, balse, cutub walba goonidiisa ayuu u leeyahay faraqyo badan oo cutubka guud farac ka ah. Waxa Qoray Fannaan, Hoobal, macallin, bare, aqoonyahan mase halaqoon, Barbaariye: Bashiir Ali Hussein

Dhiganuhu waa hage, tuse, taxliiliye iyo bidhaamiye ku baraya qodobbo iyo qaaciddooyin meelaysan, kaliyase ku xiran inaad barato adigu.

Cutub kasta waxa uu wataa tusaalooyin iyo sharraxaad ay ku laran tahay farshaxan luuqadeed oo aad u heer sareeya iyo laylis gaar ahaaneed oo cutubkii aad soo aqirsay kaa wayddiinaya waxaad kusoo aragtay. Taa soo akhristaha siinaysa ogaal iyo fiiro uu ku dhuuxo nuxurka uu buuggu gudbinayo. Intaas waxa kuu dheer suugaan ku saabsan waxa uu ka hadlayo cutubka aad soo martay, si muuqata oo mug leh na u tilmaameysa cutubka kaa dhamaaday iyo ujeedkiisa. Suugaanta uu cutub waliba ku iidaamay qoraagu asigaa curiyay.

Qoraagu Cutubka ugu horreeya waxa uu ku billaabay tusaalooyin kaa kaalmeynaya inaad mugga hore barato, waxa ay yihiin, xuruufta afkeenna, kaa na kaalmeynaya in aad u kala barato shibbanayaal guud, kana kooban (21) labaatan iyo kow xaraf. Una kala baxa: (11) LIGANE (3) SIDKANE (7) SHIDANE. Goortaas ka dib ayuu haddana ku barayaa, Shaqalki oo ah xarakaad iyo iidaankii macaaneyn lahaa Xarfaha oomanaha ah ee aan kaligood shaqeyn karin. Intaas ka dib ayuu hortaada soo dhigayaaa “Shaqal u yaal” isla markiina wuxuu si kedis ah kuu wayddiinayaa waa maxaay “SHAQAL U YAAL?” adigu ba hore ka sheeg, maya waad hilmaantay e, hadda qoro. Shaqal u yaal waxa la yiraahdaa; (WA’DA iyo YA’DA). Maxaa caddeyn u ah?

Sida uu qabo xeer qoraalka Af-Soomaaligu ma jiraan laba oomane ama shibbane oo sadar ama weer/weedh ama eray ku dhammaada sida: (KK…MM) Ama guud ahaanba 21 da xaraf ee shibbayaasha ah. Wayse dhacdaa mararka qaarkood, kolkaas oo labada shibbane midka hore uu noqonayo SHAQAL U YAAL. Haddana mar walbo waynu qornaa innagoon sababta garaneyn. Haddaba qoraagu wuxuu ku siinayaa tusaalooyin cad cad ee si fiican u dhugo.

  • WA’DA:
  • CAWL. (W&L).
    AWR. (W&L).
    CAWS. (W&L).
    GOWS. (W&S).
    LOWS. (W&L).

Hadda na aan tilmaanno YA’DA: Y & N.

  • DEYN. (Y & N).
    CAYN. ( Y & N).
    GOYN. ( Y & N).
    KAYN. ( Y & N).

Y & L.

  • EYL. ( Y & L).
    NAYL. (Y & L).
    WEYL. (Y & L).

Buuggu wuxuu tilmaamay in intaas iyo in kale oo ka sii badan erayada laba shibbane oo marti ahi ay soo gunaanadaan dhammaadka erayga. Ogow xeer ahaan, waa ma dhacdo in ay laba shibbane eray ku soo af xirmaan, hasa yeeshee marka aad aragto labada xaraf ee kala ah “ W iyo Y” oo lammaan ku ah xaraf kale oo ku soo wada ururaya eray dhammaadkiis u garo, in ay yihiin “SHAQAL U YAAL”

Muhiimadda buugga BIDHAAMIYE waa in aad yool iyo ujeed leedahay oo ay guux libineed kugu jirto oo aad u go’do ka miro keenista yoolkaasi. Billoowga hore ee buugga ayuu ku bilaabayaa tusaalooyin maanku ku dhaygagayo oo akhristaha ku sii riixaya in uu gudaha u galo cutubyada hoose ee buugga.

Qoraagu wuxuu xoogga iyo awoodda isugu geeyay, dhiirrigalinta, taageeridda, tusmeynta, tifaftirka, bidhaaminta, ilaalinta, awood siinta, aragti ku kordhinta, gorfeynta iyo ka faalleynta afka hooyo. Taa soo ah masuuliyad uu kaligiis dhabarka u ritay, iyadoo aysan jirin cid la qabatay. Dhaqanka, fanka iyo suugaanta Bulshada Soomaliyeed waxay ka soo aas-aasmaan afka lagu tebinayo. Afkana haddaan la dhowrin xeerarkiisa, dhigaalkiisa adeegsigiisa, wuxuu noqonayaa Af jirro ku dhacday oo cudur qaba. Mudda ka dibna jirradaas u iisha/dhinta. Haddaba BIDHAAMIYE waa dhigane mudan in loo qabto loona qaabeeyo, madallo iyo meelo lays-ku waydaarsado aragtiyo kala duwan oo afka iyo dhigaalkiisa ku saabsan.

Sheeko oomane ah ayaad kusoo daashay ee ka kaalay aan ka eegno macnaha iyo waxa looga jeedo Bidhaamiye, Bidhaan, Bidhaanta. Suugaanta Soomaaliyeed ee guunka ah iyo waxay ka yiraahdeen hal abuurrada Soomaaliyeed. Balse, waxan ka horraysiinaya waxa ay tahay Bidhaan?

Bidhaan, Bidhaamiye, Bidhaanta. Bidhaamiye waa eray farac ka ah, weerta/weedha BIDHAAN oo asal ah. Hadda ba maxay tahay BIDHAAN?

BIDHAAN, waa muuq wayn ama yar oo meel fog laga arko, iftiin ama dhalaal yar oo meel ka bilig yiraahda, birbir.

BIDHAAMIYE: fal tegay.
BIDHAAN: fal jooga.
BIDHAANTA: fal amar oo aan toos aheyn, Far-fiiqid la dheddigeeyay. Raalli ka noqo, haddii aan kugu daaliyay wax aad ogtahay, kaliya waxay iga ahayd xasuusin. Wax walbana waxay xaq u leeyihiin inay magac helaan/yeeshaan. Sida buuggaba loogu magac dhebay “BIDHAAMIYE”

Hadda ba BIDHAAMIYE waa tilmaamid, sheegid, tusid, wax aadan ogayn oo meel lagaaga baytinayo si aad u garato. Tusaale: Awr geel ayaa kaa dibbooday ama kaa lumay. Adigoo raadinaya ama goobaya, ayaa qof kaaga horyimid dariiqa, is waraysi ka dib ayaad ku tiri; Awrka nuucaas ah ayaa iga lumay ee amaad aragtay bidhaantiisa? Kolkaasuu ku yiri: waa kan jooga meel hebel ee ka doono kobtaas. Hadda ba BIDHAAMIYE waa BIDHAAN afeed meel aan kuu dheereyn lagaaga baytinayo, haddii aad tahay qof doonaya aqoon ku saabsan afkiisa. Ha hilmaamin murtidii oranaysay “Intaad afkaaga ka barato ayaad af qalaad ka baran kartaa” aqoon iyo cilmi aan Afkaagu ku siin ha sugin inaad Af Islaameed ka hesho. Qur’aanka ba Af-Soomaali ayaa lagugu baray. Ha igu diidin waa kii Caalimki waynaa Sheekh Yuusuf Al-kowneyn (AUN) uu kuugu higaadiyay:

“Alif la kordhebeey
Alif la hoos dhebeey
Alif laa godan.

Ba’ la kor dhebeey
Ba’ la hoos dhebeey
Ba’ laa godan.

Ilaa laga gaarayo,

Ya’ la kor dhebeey
Ya’ la hoos dhebeey
Ya’ laa godan.

Haddii aan Qur’aanka laguu gu iidaamin afkaaga, barashadiisa oo waajib ah ayaa kugu adkaan lahayd. Haddaba Bidhaamiye waa tilmaantaas bulsho qofkii hela ayaa se nasiib leh; “Inaad arrin mudan ummadduna u baahan tahay daaha ka rogto waa waajib cilmiyeed ku saaran, in la qaato se ma ahan wax adiga kuu yaal” Allow Bidhaamiye ma bidhaamiyay!!

Suugaanyahannada Soomaaliyeed maxay ku tilmaameen “BIDHAAMIYE?”

Kugu badin maayo e, dhowr halabuur waxay ka yiraahdeen ayaan soo qaadanayaa. Hees waxa jirta magaceeda dhanba la yiraahdo: “Bidhaan” miraha heesta waxa ka mid ah;

Boholyoow daraaddii
Boqol jeer habeenkii
Bishamahaygu adigey
Ammaantaada badiyaan
Bal hadaba BIDHAAN qurux
kama Baaqan karayee
Yaa isiiya laba baal
Aan maanta buuboo
berritaba la joogee?

** ** **

Laashin: Garaad Nuur Xuseen Maxamuud wuxuu ku tilmaamay sidaan;

Baki iyo ilaa Booramiyo Saylac baraheeda
• Lughayaa bariidiyo ku jira baraxya raynreene
• Berberiyo Hargeysiyo ilaa Gibiley baasheeda
• Buuhoodle geestaa Burciyo badiba Oodweyne
• Buurta sheeq BIDHAANTEEDA wacan say u kala baahday
• Bartamaha Taleex Caynabiyo bariga Laas-caano
• Xuddun baallaheediyo dhex maray badi ahaan Soole
• Baribaan galbeed uga imiday beri horaatoode
• Boosaaso beer gaal iyo Qandala badaha xaafuunta
• Isku shuban mar baan booqday iyo cirifka Baargaale
• Caluulaan BIDHAAN saday Qardhaan maray barkeediiye
• Bahda reer Nugaal baan u imid goor barqa ahayde
• Garoowoo barbaartii degtiyo Eyl BIDHAANSADAYE
• Daan goronyo kama baaqan iyo badi dhulkeedaase
• U baqoolay baashaa Jubbiyo beleddadaa dheer.

** ** **

Abwaan:Cabdiraxiim H. Galayr asna wuxuu ku tilmaamay sida tan:

Afartaa BIDHAAN ii baxdiyo barashadaydii dheh
 Basarkii abwaan lagu yiqiin booskii ma abbaaray
 Bilaash looma xaytee BIDHAAN quruxsan maw yeelay
 Badidiisa hadal waa bilaash baydka uun dila’e
 Intaasaan kusoo baabayaa buuradkii gabaye.

Halabuur la yiraahdo: Abwaan tacbiir waxa uu ku tilmaamay asigoo ammaanaya gabar uu jeclaa, sidaan;

o Boqoraddaan ku faaniyo
o Waxad tahay BIDHAAMIYE
o Aan beegsanaayoo
o Bu’da nuurka aragguna
o Bilicdaada uunbeey
o Hadba baallo daymood
o Subuxii bayaanshaan
o Noloshaad billow iyo
o Baab adag u tahayoo
o Waxaad tahay birqaabkii
o Dabku iigu baxayee
o Allahayow BIDHAAN qurux
o Ha na kala baqoolsiin.

** ** **
Abwaan kale na wuxuu yiri:

Waa Silsillad Aduunkuye
 Sikimada ka kala furin
 Dusha samir ku yeeloo
 Saamaxaad ku noolow
 Saban baad BADHAAMIYE.

** ** **
Hees uu qaaday Xasan Aadan Samatar ayaa waxa ka mid ahaa:

Bishii dhalatayeey
• Been kuma hadlee
• Barbarkaad jirtaan
• Weli BIDHAANSADAA!!

** ** **
Abwaan kale na wuxuu yiri:

o Calankaan buluuggaa
o Waligay ma baylihin
o Baddalkii ma heli karo
o Bir intaan ka taagoo
o Beegsadoo salaamaan
o Babbiyaa cirkaa soo
o Birmad qaran dhisaan ahay
o Shimbir aan lahayn baal
o Maba biibi karayee
o Waxaan baadi goobaa
o Baafiyaa had iyo jeer
o Midnimiyo BIDHAAN qaran.
o Soomaali ka ma bixin
o Waxan ahay bir adagoo
o Isku haysa Boorame
o Ilaa baradii Dhoobleey
o Iyagoo bahoobaan
o Ugu baaqayaayo
o U baryaa Ilaaheey.

** ** **
Abwaan kale na wuxuu yiri:

Barxaddii hal doorkiyo
 Baraddii Aftahan kaay
 Burco hoodo leeyeey
 Abidkeed BIDHAAN iyo
 Basar iyo xarrago iyo
 Bilic laguma gaadhaay
 Qaran baanihiisaay
 Bila dhalashadeydaay
 Halgamaa bed baadshaay
 Nacabkeeda bi, I yaay
 Geesiga bar baarshaay
 Nacas uma botoriyaay.

** ** **
Abwaan kale na wuxuu yiri:

 “Baaraan deg nololeed
 Iyo maan barwaaqo ah
 Is-baxnaanin ruuxeed
 Iyo guulo beegsi leh
BIDHAAAN aragti Diimeed
 Iyo baadi-doon Qaran
 Barashada dadkoo idil
 Iyo beerid jiil wacan
 Duni lagu bud-dhigabaan
 Baarbaarayaa wali.”

Wax badan oo ku saabsan dhiganaha BIDHAAMIYE waan kuu soo Bidhaamiyay ee ii oggolow inaan dhiganaha dhexda kaa qotomiyo, ku dhex geeyo.

Waxaad si kedis ah u timid, dunida guudkeeda, adiga oo aan ogayn, in aad dhalanayso. Waxaadna gaari doontaa xilli aanad ogayn goorta aad ka tagayso. Sidaasi darteed maalinta aad dhalatay ee aad dunida ku soo biirtay, waxaa ku soo dhaweeyay oo markiiba kula billowdey wax barasho dabiici ah oo ku la soo koraysay, taas oo weligaaba ku garab soconaysa, ilaa iyo gunaanadka dambe ee noloshaada, taasi oo kaa haraysa maalinta la gaaro naf go’a geeridaada ee laguu sii sagootiyo (Luxudka) god xabaaleedka iyo iilkii wehel la’aaneed.

Xilligaas iyo muddadaa qarsoon ama dahsoon ee aan lahayn baaq tilmaameed aad ku garato billaawgooda iyo weliba dhammaadkoodaba, una dhaxeysa dhalashadaada ilaa iyo dhimashadaada, waxaa lagaaga baahan yahay dadaal iyo howl aqooneed aad u adag oo kugu sii haga wadiiqada toosan ee anfaca leh, taas oo jidka loo sii maraahi uu yahay oo keliya “Hufnaan anshax leh, daacadnimo, dulqaad iyo deggani leh iyo dadaal adkaysi leh oo bajiino iyo nasahaba looga maarmay”.

Haddaba, tala bixinta, aniga iyo inta igu aragtida ahba la quman ee aan soo jeedinayaahi, waxa ay tahay, in aad raacdo oo aad ka sahaay qaadato xigmadda oranaysa “Inta aad yar tahay foolka ka dhidid, inta aad adoo lixdan jir ah dhabarka ka dhididi lahayd.” Taas oo ay micnaheedu tahay: “Inta aadan xilqaad noqon xaraf barasho u hub qaad, si aanay dantu kuu badin muruq maalnimo iyo dhabar ku xoogsi kaliya, adiga oo waayeel ah xilli dambe oo ay noloshaada awood yari iyo gabow isu kaashadeen!”

Si kastaba, qof walba oo wax barasho u heellanow, waxaa kuu wax tar badan, in aad kor u qaadista hankaaga sii badiso facaana ugu faantid ficilo aqooneed farsameysan oo falsamo faa’iido leh dhasha, adiga oo ku faraxsan firfircoonidaada guud ee ku saabsan gundhigga hiigsiga aaya nololeed iyo hiraalka wax barasho.

 “Xilligu wuu ordayaa
 Xawaaraa kordhinaaya
 Xoolo waa la helaaye
 Adigoon xiisa dhaceynin
 Xadantee maskaxdaada
 Garaadkaagana xooji
 Ka xuubsiibo madoowga
 Ku xaraaro ogaalka
 Xarfahaa isku xeeran
 Ee xambaarsan aqoonta
 Xasuustaada ka buuxi
 U xantoobi carruurta
 Xeji waa ma huraane.”

Haddaba ogsoonow in howl aad qabato, ay ugu wanaagsan tahay in aad ahaato laba uun midkood “mid wax bara ama wax barta” qoraagu markuu halkaa marinayo fataq ma kugu soo yiri: “Xaddiiskii saxiixa ahaa ee laga soo weriyay Suubbanaheenna Muxammad binu Cabdullaahi Binu Cabdi Muddalib (SCW) ee ahaa:

“خيركم من تعلم القرآن وعلمه”

(Waxa idiin ku kheyr badan kan Qur’aanka barta dadkana bara).

Mar kale waa kii Imaam Bukhaari weriyay:

(خيركم من تعلم العلم وعلمه)

“Waxa idiin ku kheyr badan kan cilmiga barta dadkana bara”.

Maxaa yeelay, halkaasi, waxa ka dhalanaya bulsho firfircoon oo ka guuleysata jahliga iyo mugdiga aqoon la’aaneed, sidaasi darteed, buuggaan uu magac dhowgiisu yahay (BIDHAAMIYE) waa dhigane ogaal iyo aqool aqooneed leh oo hab wax barasho u qoran. Wuxuu yeelan karaa dhaliil uusan asalkeedu ku tala gal ahayn iyo buuxda ammaan labadaba.

Dhinac kale, haddii aan wax kaa tuso, qoruhu wuu seegi karaa dowga abbaarta oo ma gefe waa: (Ilaaheey) waxayse afeeftu noqonaysaa oo cid kasta oo buuggaan akhrisa ay ka tusaale qaadan karaysaa, tixaha aad u tegi doonto ee sida tooska ah u la hadlaya, akhriste kasta oo u heellan barasho iyo aqoon kororsiga ku saabsan nuxurka far Soomaaliga.

• “Farriinta dhegaha u furo
• Dhaayaha xarfaha ku eeg
• Garaadka macnaha ku dhuux
• Maskaxda eraygaa ku dhaad
• Dhugmada cilmiga ku qaad
• Ka dhereg garashada habboon
• Dhibaatada dhinac u riix
• Aqoon darridana dhammee
• Dhab baa lagu tiirsadaaye
• Ku dhiirro howlaha adduun
• Ka dhowr dheelliga hartiga
• Dhirbaaxada ujeedka lehe
• Dhigaal iyo cashar ka dheef”.

Soo jeedin:

BIDHAAMIYE. Waa dhigane wax barasho ee waxan soo jeedin lahaa in lagu daro manhajka wax barasho ee Ummadda Soomaaliyeed. Qoraagu waxa uu qabtay oo uu kaligiis dhabarka u ritay inuu buuxiyo booskii ay lahayd wasaaradda wax barashada ee dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan maamullada ka jira waddankeenna. Dhanka kale waa dhigane uu u baahan yahay qofkii doonaya inuu bulshada Soomaaliyeed la wadaago qoraal tayaysan oo tiirar adag ku taagan. Ma ahan buug curis ah oo la iska mala awaalay, balse, waa buug kasoo maaxday maskax waaya badan bare soo ahayd. Farriinta ugu dambeyaa ee aan dirayo ayaa ah:- “Aqoon la’aani waa iftiin la’aan” ee dhiganaha BIDHAAMIYE ha u daymo la’aannin. Waxan kusoo xirayaa BAALALROGIDDA BIDHAAMIYE gabay uu tiriyay laashin: Hassan Abukar Alasow “Abaaji” oo aan is leeyahay isla buugga iyo aqoonta ku aasan ayuu ba ogaa laashinku, waxa uu yiri:

Abbaar socod hayaan dheer ninkii, Aada meel durugsan
• Illinkuu sahloon inuu maraa, Way ekoon tahaye
• Ma ogtahay iftiin li’i gudcura, Waa aqoon li’iye
• Aqli caafimaad qaba haddow, Kuu arriminaayo
• Abaar iyo dhanqallan geeri go’an, Lagu asqoobaayo
• Ma ogtahay ugbaad iyo xareed, Laga ma aadeene.
• Alayl dhexe ayaan koo mugdiya, Aaf la soconaayo
• Iftiin iyo hallooniyo asoon, Toore arag haynin
• Qof anbaday halkow aaday way, Ula ekoonayde
• Ma ogtahay ninnana ay Libaax, kuma ag seexdeene.

BAALALROGIDDA BIDHAAMIYE.

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow Shiribmaal

You might also like More from author

Leave A Reply