Xeer-dejinta hannaanka labada gole (Bicameral system)

0
Dowladnimada iyo xukunka madaniga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa kuu soo kordhay hannaanka xeer-dejinta labada gole ee Baarlamaanka, haddaba qoraalkani waxa uu xoogga saarayaa fasiraadda iyo sooyaal xeerdejinta laba gole oo Baarlamaan.
Habkan waxa qaatay inta badan dowladaha federaalka ah ee waaweyn, kadib markii ay soo baxday baahida sameynta dowlad tala-wadaag ah, oo awooddu u qaybsan tahay gobolada iyo dowladda dhexe.
Hannaanka labada gole e sharci-dejinta dhammaan waddamada qaatay waxa ay ku saleeyeen sameyska iyo qaabka dhaqan iyo dhaqaale ee waddamadooda.
Waddamada qaatay ee hadda ku dhaqma waxa kamid ah ingiriiska:
  1. Argentina, Arjantiina
  2. Australia, Ustareeliya
  3. Belgium, Biljam
  4. Canada, Kanada
  5. Germany, Jermani
  6. India,  Hindi
  7. Pakistan, Bakistaan
  8. Russia, Ruuska
  9. Mareykanka,
  10. Waa maxay xeer dejin?
Aragtida dowladnimadu, waxa ay ku billaabatay hab xukunku uu gacanta ugu jiro boqorka ama madaxweynaha, sidaas awgeedna waxa ay ahaayeen isha dhammaan xeerarka iyo amaradu ay ka soo fulaan.
Aragtida kala saaridda awoodaha laamaha dowladda (trias politica)[1],  oo muddo dheer soo jiitantay, ayaa Qarnigii 18aad, waxa horumarin iyo dhaqan gelin ku sameeyey Charles de Montesquieu, oo ahaa aqoon yahan faransiis ah, waxa uu daabacay buugga caanka ah ee  “De L’esprit des Lois”, sanadkii 1748-dii, aragtida kala saaridda awoodaha laamaha dowladda ee uu horumariyey Charles, waxa ay saameyn weyn ku yeelatay dastuurkii Mareykanka ee sanadkii 1789, Kacdoonkii Faransiiska ee 1791-dii, sidaas oo kalana waxa ay gaartay waddamo badan oo reer Yurub ah.
Laba tiir oo ay aqoon yahanka reer galbeedku aaminsanaayeen ,in dowladnimada casriga ah lagu dhisi karo ayaa midkood ahaa kala saaridda awoodaha laamaha dowladda, kaas oo hirgelintiisu qaadatay muddo dheer, hayeeshee muddo  kadib ka dhaqangalay qaaradda Yurub.
Qodobka labaad ee ay u arkayeen, in dhismaha dowladnimo casri ah uu horseedi karo, waxa uu ahaa kala saaridda dowladda iyo diinta ama waxa maanta loo yaqaan Calmaaniyadda.
Aragtida kala saaridda awoodaha laamaha dowladda (trias politica), waxa ay ku dhisan tahay in laamaha dowladdu ay noqdaan 3; laamood, oo kala ah:
  1. Xeer-dejin (Gole keli ah ama laba gole)
  2. Fulin
  3. Iyo Garsoor
Laanta xeer-dejinta oo uu qoraalkani ku saabsan yahay, waxa lagu qeexaa in ay tahay:-
Hab isu-tag ah oo lagu wadaago awoodda meelmarinta, wax ka beddelidda, dib u eegidda iyo baabi’inta xeerarka iyo qawaaniinta
Labada gole ee xeerdejintu waxa ay leeyihiin magacyo kala duwan oo ay waddamada ku dhisani u yaqaaniin sida: Baarlamaan iyo Gole xeer-dejin,
Waxa jira noocyo badan oo loo dhiso golayaal xeer-dejin, kuwaas oo ka badan mid iyo laba, hayeeshee waxa ugu caansan labada jaad ee kala ah:
  • Xeer-dejin ku dhisan gole keli ah (Unicameral legislature)
  • Xeer-dejin ku dhisan 2; gole (Bicameral legislature)
Waxa jira hab naadir  ah oo aad u yar, kaas oo ah xeer-dejin ku dhisan 3; gole
III.            Shaqada iyo Awoodaha xeer-dejinta.
  • Dejinta xeerarka iyo qawaaniinta (Awoodda meelmarinta, Wax ka beddelidda iyo Baabi’inta)
  • Ku Metelidda dadweynaha hab-socodka xeer-dejinta
  • Meelmariyaan iyo in ay diidaan miisaaniyadda dowladda iyo xeerarka kale ee dhaqaalaha la xiriira.
  • Kormeeraan hay’adaha Garsoorka iyo Fulinta ee dowladda
  • In ay dib u eegid iyo wax ka beddelid ku sameeyaan dastuurka
  1. Nuuca shaqada hay’adda xeer dejinta iyo tiirarka lama huraanka u ah.
Hay’adda xeer-dejintu waa golaha ugu weyn awood wadaagga dadweynaha iyo dowladda, taas oo iyada oo adeegsaneysa awoodda dadweynaha qabata shaqada meelmarinta, Wax ka beddelidda, dibu eegidda iyo Baabi’inta xeerarka iyo qawaaniinta ay laanta fulintu soo diyaariso, sidaas oo kalana waxa ay hay’adda xeer-dejintu kormeerta shaqada laanta garsoorka.
Sidaas awgeed 2;qodob oo waaweyn ayaa lagu soo koobaa nuuca shaqada Hay’adda xeer-dejinta, kuwaas oo kala ah:-
  • Hubinta metelaadda dadweynaha oo kala aragti iyo aqoon duwan.
  • Hubinta isu dhignaanta metelaadda dadweynaha, iyo deegaanada, halkii ay tiro badan ka iman lahayd gobol, mid kale tiro yar.
  1. Xeer-dejin laba gole (Bicameral legislature)
Guddigii dejiyey dastuurka kmg ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, ayaa isku raacay in hannaanka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya uu yeeshe baarlamaan ka kooban laba gole xeer-dejineed, sidaas awgeed, dastuurka ayaa si fiican u qeexay shaqada iyo jiritaanka aqalka sare oo metelaya dowlad-goboleedyada xubaha ka ah dowladda federaalka.
Waxa la isweydiin karaa sababta looguu baahday in dhismaha dowadnimada Soomaaliya yeesho aba gole xeer-dejineed, inkasta oo aan dastuurka kmg ah ee la ansixiyey Agusto-2012, haddana aragtida ka dambeysa adeegsiga xeer-djin laba gole ku dhisan oo inteeda badan katimid waddamada Giriigga, India iyo Rome, waxaase aragtidan si fiican loogu shiilay looguna dhallaaliyey Yurub.
Sababaha ugu waaweyn ee ka dambeeya hindisidda aqalka sare waxa kamid ah:
  1. In la cabburiyo oo neefta loo diido kaligi-talisnimada inta badani ku sameeyaan inta yar, taas oo dhibaato weyn ku haysay waddamada aqoon yahanka dhaliyey aragtida dhismaha aqalka sare, iyada oo la dhiirrigelinayo wada-noolaansho nabad ku dhisan oo dhex mara dad kala dhaqan, diin iyo Af duwan
  2. Dhiirrigelinta in dad waaya-aragnimo iyo aqoon leh ay galaan dowladnimada
  3. Awoodsiinta qaanuun yahanka iyo xirfadlayaasha si ay u hubiyaan dheellitirka laamaha dowladda (check and balance)
Tirada xubnaha aqalka sare ee Soomaaliyada cusub waa 54, xubnood, oo lagu saleynayo goboladii 1991-dii,
Marka aad aragto qodobka 71aad ee dastuurka km ah;
  • Aqalka sare (Guurtida) waxa uu golaha shacabka la wadaagayaa awoodda xeer-djinta,  sida meelmarinta, Wax ka beddelidda dastuurka, dibu eegidda iyo Baabi’inta xeerarka iyo qawaaniinta.
  • Waxa uu ka qaybqaadanayaa doorashada madaxweynaha iyo xil ka qaadistiisa
  • Xaaladaha degdegga ah iyo xilliyada dagaal ku dhawaaqidda ayaa kamid ah shaqada aqalka sare
  • Waxa uu ka qaybqaadanayaa magacaabidda guddiyada
Adeegga garsoorka, Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha maxkamadda dastuuriga ah, Guddiyada qaran ee Doorashooyinka, Xudduudaha iyo Xallinta khilaafka.
Marka laga hadlayo habka loo xallinayo haddii khilaaf  ku saabsan go’aan siyaasadeed ka dhex dhasho labada gole  waxa si kooban u sheegaya qodobka 81aad.
  1. Ceebaha hannaanka Aqalka sare (Guurtida)
Aqoon yahan badan oo wax ka qoray aragtida dowladnimada ayaa isweydiiya sababta loogu baahan yahay aqal sare, mar haddii golaha shacabku uu qabanayo shaqada xeer-dejinta, ee wax ka beddelidda, dib u eegidda iyo baabi’inta xeerarka?
Balse waddamada u arkay xal in ay yeeshaan hannaan ku dhisan xeer-dejin laba gole, waxa ay qabaan in aqalka sare uu u taagan yahay hubinta xeerarka kasoo baxaya laanta fulinta ee soo mara golaha shacabka, inta aanay gaarin heerka dhaqangelinta iyo saxiixa madaxweynaha.
Waddamo badan ayaa  awoodda xeer-dejintooda sal uga dhigay Aqalka sare, waxa kamid ah Mareykanka, Kanada, Hindiya, Jermalka iyo Jabbaan.
Mareykanka waxa xoogga xeer-dejineed iska leh Aqalka sare (Congress), sababta ugu weyn waxa uu dastuurka Mareykanku ku sheegay in ay tahay:
In la meelmariyo ka hortag ka dhan ah keligitalisnimo, sababta oo ah aqalka sare waxa uu hubinayaa oo kormeerayaa dhaqdhaqaaqyada ku laran xeerarka ee keligi talisnimadu ka dambeyso, kuwaas oo soo mara golaha shacabka.
VII.            Dhismaha aqalka sare ee Soomaaliya
Waxa jira welwel badan oo haya dadweynaha Soomaaliyeed, kaas oo ku wajahan sida ay kalanoqon doonto shaqada Golaha shacabka iyo tan aqalka sare, taas waa suuragl in wax ka jiraan, balse aan meel kale ka eegno.
Aqalka sare oo metelaya dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe  waxa uu leeyahay awood uu ku metelo dowlad-goboleedyada, sidaas awgeed waxa hoos u dhici doona iska hor imaadka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, halkaasna waxa ka sameysmi kara is-aaminaad iyo in muwaadiniinta dowlad-goboledyadu helaan cid leh awood ay kula dooddo dowladda dhexe.
Xubnaha golaha shacabku malaha awood ay ku difaacaan gobolada ay ka yimaadeen, xitaa haddii ay isku dayaanna wax weyn ma sameyn karaan, sababtuna waa in ay u dhexeeyaan muwaadiniinta oo dhan, si kale xildhibaan kasta oo kamid ah golaha shacabku waxa uu metela guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, sidaas awgeed ma geyn karo golaha shacabka arrin deegaan ama cid gaar ah u dan  u ah, halka xubnaha aqalka sare ay si toos ah ugu doodi karaan dowladgoboleedyada ay ka soo jeedaan.
VIII.            Xaggee ka iman doonaa khilaafka golayaasha Baarlamaanku?
Aqalka sare mar haddii uu metelayo dowlad-gobleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka waxa uu adeegsan doonaa awooddiisa dastuuriga ah, taas oo ka dhigan in marka lagareebo 4; arrimood uu inta kale ku diidi karo xukuumadda iyo madaxweynaha:
Datuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, cutubkiisa 5aad, qodobka 54aad, waxa uu kala qaybiyey awoodaha iyo sida ay u kala leeyihiin dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah , isaga oo u la dhaqmaya dowladda dhexe ee federaalka habka koobidda awoodaheeda, kaas oo halistiisa leh,
Cutubka 5aad, Qodobka 54aadKala Qaybinta Awoodaha
“Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo:
1) Arrimaha Dibadda;
 2) Difaaca Qaranka;
3)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo
4) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka”…
Qodobka 2aad ee difaaca qaranka, aqalka sare waxa uu dastuurku siinayaa awood uu uga qaybqadan karo ku dhawaaqidda xaaladdagaal.
Arrinta ugu weyn ee lagayaabo in ay dhaliso dood iyo khilaaf dhexmara labada gole ee Baarlamaanku, waa qodobka ku saabsan go’aanada siyaasadeed, oo aad mooddo in dastuurka qudhiisu u dhigay si isku dhex yaacsan,.
Laga billaabo qodobka 81aad illaa Qodobka 83aad, waxa ka dhalan doona dood adag, haddiiba ay dhacdo in xukuumaddu qaadato go’aano siyaasadeed saameeyn leh.
WQ: Axmed Ciise Guutaale
Dersa shareecada iyo Qaanuunka
 Shabakadda Shaaciye
Xafiiska Muqdisho
warkashaaciye@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply