Ciidamada Kenya oo Saddex ruux ku dilay gobolka Gedo

0
Kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa AMISOM iyo ciidamo Soomaali ah ayaa waxaa shalay gelinkii dambe qarax miino lagula eegtay degaanka Barmiil oo ka tirsan gobolka Gedo.
Ciidamadan ayaa ka soo baxay degaanka Faxfax-dhuun, waxayna ku sii jeedeen dhanka Wajeer, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland.
Waxaa la sheegay qarax miino oo ay jidka geliyeen Shabaab inay qabsatay mid ka mid ah kolonyada ciidamada AMISOM, islamarkaana uu ku burburay gaariga la bartilmaameedsaday, sidoo kalena uu jiro khasaare nafeed.
Qaraxa kadib ayaa rasaas ay fureen ciidamada Kenya waxa ay ku dileen Saddex wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo gurigooda uu ku yaallo meel aan sidaas uga fogeyn goobta lagu weeraray ciidamada.
Guddoomiyaha degaanka degaanka Barmiil Aar Maxamuud Maxamed oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale ciidamada ay jirdil u geysteen dad kale oo shacab ah, ilaa haddana aanay jirin cid kala soo xiriirtay dhibaatada ay geysteen ciidamada Kenya.
“Ciidamada Kenyan ee ka tirsan AMISOM oo qarax lala eegtay ayaa beegsaday dad shacab ah oo dilay Saddex wiil, hub culus ayay ku garaaceen guri ay shacab deganaayeen, annaga waxaan leenahay arrintan waxaan rabnay inay arkaan dowladda Kenya, xitaa hadii ay dil geystaan waxay aheyd inay naxariis muujiyaan”. ayuu yiri guddoomiye Aar Maxamuud.
Maanta oo ugu dambeysay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM ayaa laba ruux oo shacab ah waxa ay ku dileen degmada Balcad, kadib markii ay dar dareen dadkaasi oo watay gaari dameero.
Shabakadda Shaaciye
Xafiiska Muqdisho
warkashaaciye@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply