Maxaa kajiro in Musuq Maasuq lagu helay Tuulax & xog hayaha Gobolka G/ Banaadir!!

0
Xafiisyadda hanti dhowrka & xeer ilaalinta qaranka oo musuq maasuq dhaqaale ku helay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca amniga & xog hayaha Gobolka Banaadir,
Waxaa si hordhac ah loo ogaaday natiijada baaris ay si wada jir ah u sameyeen xafiisyadda hanti dhowrka & xeer ilaalinta qaranka taas oo lagu ogaaday in Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca amniga Maxamed Cabdullahi Tuulax iyo Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Cumar C/risaaq Xuseen ay musuq maasuqen lacag kudhow shan boqol oo kun oo doollar oo loogu tala galay xaqiijinta amniga caasimada .
Baarista oo wali socoto ayaa lagu xaqiijiyay in Tuulax & Cumar ay lacag ka badan labo boqol oo kun oo doollar ay ku qalabeysteen guryo ay si gaar ah u dagan yihiin halka seddex Boqol kun oo dollar aay ku baxiyeen meel kale oo munaasab aheyn oo ka baxsan howlaha Gobalka Banaadir.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax waxaa u ku fashilmay Amniga Magaalada Muqdisho waana shaqsi aan qibrad badan u laheyn xilka loo dhiibay ee Amniga.
Shabakadda Shaaciye
Xafiiska Muqdisho
warkashaaciye@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply