Gacanyarahii G/Yariisow oo lacag xooggan la baxsaday Xog!!

0
Waxaa Maalmahii ugu dambeeyey ka taagnaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho hadal heynta lacag fara badan oo lagala baxsaday Gudoomiyaha maamulka gobolka iyo halka laga keenay lacagtaasi.
Gacanyarahii gaarka ahaa ee Cabdiraxman Cumar Yariisow Gudoomiyaha Gobalka Banaadir  ahna Duqa Muqdisho, ayaa la xaqeejiyay inuu la baxsaday lacag  $200,000 laba boqol kun oo doollar .
Gacanyarahii Gudoomiye Yariisow Yoonis Cali Cumar ayaa xogta an helnay sheegeysaa in uu lacagtaasi ula baxsaday Dalka Turkiga, Lama oga sababta ku kaliftay Yoonis oo ahaa gacanyaraha Gudoomiye Yariisow  in uu la goosto lacagtaasi sidoo kalane la shaqeeynayay waaxda dhulalka Dowladda Hoose Xamar.
Waxaa mar qura la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay Gacanyarahii Gudoomiye Yariisow oo markii dambe la xaqiiqsaday inuu goostay waxaana jiro shaki badan oo durba ka dhex abuurmay Madaxda Maamulka Gobalka Banaadir oo horey baaris xafiiska Hanti dhowrka ku socday.
Lacagta uu la baxsaday Yoonis ayaa la sheegay in dhulal ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir lagu soo iibshay waloow aan ka xaqeejiyiin dhulkaas uu aha mid la boobay iyo mid si gaara loo leeyahay.
Falalka xatooyada ah iyo lacagaha lala baxsado ee ka dhaca xafiisyada heyadaha dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa sanadahan dambe marar badan soo laalaabatay.
F:G Xogtaan waa mid la xaqeejiyay oo aan laga laheyn danno gaara balse shacabka la rabo in wixii jiro loo soo gudbiyo adiguna waa baari kartaa si aad u xaqiiqsato waxaa gacan naga siiyay xaqeejiyinta xogtaan Masuul katirsan Maamulka Gobalka Banaadir oo naga codsaday in aan magaciisa baahin.
Shabakadda Shaaciye
Xafiiska Muqdisho
warkashaaciye@gmail.com
22687777 1034713880004047 2518622186574182861 N
22687777 1034713880004047 2518622186574182861 N
Yoonis
Yoonis gacanyaraha Yariisow ee lacagta la baxsaday oo dhagta wax ugu sheegaya

You might also like More from author

Leave A Reply