Dhageyso:-Xildhibaan Udhashay Beesha Daarod oo ka hadlay waajib aay gaben Xildhibaanada Abgaal oo hadal iyo hiilba laga waayay!!

0
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka kana soo jeedo Beelaha Daarod ayaa sheegay in Dowladda Fedaraalka aysan u gurman Kooxda Macawisley oo dhawaan dagaal ka dhan ah Shabaab kaga dhawaaqday Shabeellaha Dhexe si aay isaga xureeyaan Maleeshiyadkaasi dhibaatada xooggan ku haayo.
Balse waxaa nasiibdarro ah in Xildhibaanada Beelweynta Abgaal, oo goobjoog ka ahaay kalfadhiga Golaha Shacabka laga waayay mid ka hadla, dhibaatooyinka Maleeshiyada Al shabaab ku hayso deegannada aay ka soo jeedan iyo kaalmeynta kooxda isxilqaantay ee Macaawisleey oo u baahan in la garab siiyo si aay isaga xureeyaan Maleeshiyada Al-shabaab oo dhibaato xoogan ku haaysa.
Waxaa uu sheegay in dadkaasi la rabay in lagu taageero hub iyo dhaqaalle si ay u xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab.
Xildhibaanka ayaa sheegay in uu tacsi u diraayo Hoggaamiyihii Kooxda Macawisleyda oo ku dhintay dagaal maalmo ka hor ka dhacay Shabeellaha Dhexe ka dib markii Shabaab ay weerar kusoo qaadeen.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author

Leave A Reply