DAAWO:- Alshabaab Oo Ka Faa’iideystay Hadal Ay Tiri Guddoomiye Jawaahir Baarqab

0
Marwo Jawaahir Baarqab oo ah  guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir ayaa ka hor sheegtay guddoomiyaha gobolka Banaaddir ahna duqa Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow in ay jiraan dhibaatooyin heysta gabdhaha Soomaaliyeed.
Dhibaatooyinka ay carabka ku dhufatay waxaa qeyb ka ah Qurba Joogta dib ugu soo noqda dalka gaar ahaan gabdhaha laga soo tarxiillo Sacuudiga oo ay sheegtay in baabuur inta la iska saarto xaafadaha Muqdisho qaarkood iskaga heysto.
Sidoo kale wax ay ka digtay Hotellada ku yaalla aagga Liido oo ay sheegtay in habeenkii wixii ka dambeeya lagu caweeyo.
Haddaba warbaahinta afka Alshabaab ku hadasha ayaa si qalddan u fasirtay hadalka guddoomiyaha oo ka faa’iideystay iyaga oo ku sheegay in Muqdisho ay ku yaalaan goobo waxa ay ku sheegeen Faxshi lagu faa’iyo, taas oo laga yaabo xitaa in ay weerarro ka geystaan muddooyinka soo socda.
 

You might also like More from author

Leave A Reply