Sawirro:Wasaarada Arimaha Gudaha oo Muqdisho ka Furtay Shir Bulshada Caasimada Lagala Tashanayo Dib uheshiisiinta Dalka

0
Shirkan oo soconaya laba-maalmood waxa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa la tashi kala sameynaysa Maamulka iyo qeybaha bulshada gobolka Banaadir.
Shirka qeybtiisa koowaad ee maanta furmay waxaa Wasaaradda la-tashi la sameynaysa madaxda iyo dadka ka shaqeeya hey’adaha dowliga ah ee gobolka Banaadir, halka maalinka berri ah wadatashiga ay la yeelan doonto qeybaha bulshada ee gobolka sida uu sheegay agaasimaha guud Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud.
La taliyaha Ra’iasalwasaaraha ee arrimaha dib u heshiisiinta Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow oo ka hadlay shirka waxa uu sheegay in muhiim tahay in la daadajiyo wadatashiyada hannaanka Qaran ee dib u heshiisiinta dalka.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdulaahi Tuulax waxa uu tilmaamay in gobolka uu soo dhaweynayo in wadatashiyo lala sameeyo dadka caasimadda.
“Waan soo dhaweynaya wadatashigaan diyaarinta hannaanka Qaran ee dib u heshiisinta, anaga gobolka Banaadir ahaan Ahmiyad weyn ayay noo leedahay dib u heshiisiinta waayo hadii ay caasimadu hagaagto dalkoo dhami waa hagaagayaa maadaama ay tahay muraayada dalka” ayuu yiri guddoomiye Tuulax.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo furay shirka waxa uu sheegay hanaanka dib u heshiisiinta qaranka sanadkii tagay buu oo biloowday haatan uu marayo waqtigii la tashiga bulshada.
“Sanadkii tagay 2017 bishii June ayuu soo biloowday wadatashiga hanaanka dib u heshiisiinta dalka wax badan ayaa nooga qabsoomay hada waxaan galnay la tashiga bulshada oo aan ka biloownay dadka gobolka Banaadir si aragtidooda loogu daro hannaankani” ayuu yirri Wasiir Sabriye Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa intaa ku daray in wasaaradiisa ay ku dadaalayso sidii loo heli lahaa hanaan dib u heshiisiin Qaran oo leh sal adag kuna dhisan talada bulshada Soomaaliyeed si xal waaro looga gaaro khilaafyada nuuc yadooda kala duwan ee dalka ka jira.
42429469 1669003123206177 2935767222359949312 N 681x454
42429469 1669003123206177 2935767222359949312 N 681×454
42470031 606592929791610 418638034368462848 N 681x454
42470031 606592929791610 418638034368462848 N 681×454
Img 1808 681x454
Img 1808 681×454
Received 1942718249354805
Received 1942718249354805
Received 2173619279586526
Received 2173619279586526
Received 260824044634998
Received 260824044634998
Received 2213841628850749
Received 2213841628850749

You might also like More from author

Leave A Reply